Jump to content

User:Geelle12

From Wikipedia, the free encyclopedia

== Been waa la sheegaa lamase maahmaaho == waxaad ka helaysaaa maahmaahaha sida loo adeegsado, sheekooyin gaagaaban iyo murti kale. waxaa qoray C/rashiid jaamac Geelle B Maahmaahaha ka kaca xarafka (B)

1 Baadiyi nimaan lahay bay ag joogtaa 2 Bad aan kuu dhowayn lama galo 3 Baddu waa isku dhadhan 4 Badho naaso weyn nimaan lahayn way la badisaa 5 Bahal ceedhin ma daayo nina caadadii ma baajo 6 Bahal-higlo ismana dayso af-qadhmuunna lama kala tagto 7 Ballan habeennimo jarmaado aroornimay leedahay 8 Balli iyo bur cawsle biciid kuba waa 9 Banaankiisa mare maradiisa geed ma qabsado 10 Baqal fardo la miratay ka mid bay is mooddaa 11 Baraar iyo barbaarba marka hore waa urdufaa 12 Baroor waliba buulkeeday ku hadhaa 13 Baroortu orgiga ka wayn 14 Bartii yaqaan bari uma korodho 15 Baruur qudhaa baruuro qudhmisa 16 Baryo badan iyo bukaan badanba waa laysku nacaa 17 Basari buulkeeda iyadaa kaa taqaan 18 Bawdo rag maalinba mid baa qaawan 19 Baxsi caano geel u tartamaya dhankooduu u dhacaa 20 Beeli beel kale warsan kama weriso 21 Been fakatay runi ma gaadho 22 Been mar baa lagu cabbaa lagumase rakaato 23 Belaayo aan kaa qoslini belaayo maaha 24 Belaayo buulkaaga laga galaa 25 Belaayo daaman la qabtay leedahaye dabo la qabto maleh 26 Belaayo nin og bay og tahay 27 Belaayo waxay ku tidhaahdaa guur ama guurso 28 Berri iyo beeni ma dhammaadaan 29 Bidaari sibiq bay kugu gashaa 30 Bil-saddex gurigaagana way kaa kaxaysaa guri kalena kuma geyso 31 Bini'aadam waa taawo haye, talose ilaah baa haya 32 Bishii dhalataaba hortayday iman 33 Biyaha hortoodii dhooqada tahay dabadooduna maxay noqonaysaa 34 Biyo Intaanay ku soo gaadhin baa la iska moosaa 35 Biyo meel godanbay isugu tagaan 36 Biyo Sacabadaadaa lagaga dhergaa 37 Booraan hadimo ha qodin haddaad qoddona ha dheerayn ku dhici doontaana ma ogide 38 Buul habari gasho awr ma qaadi waayo


T Maahmaahaha ka kaca xarafka (T)

39 Tacab laguma qado 40 Tafadheer naagood reeray u talisay tafantoof baa u danbeeya 41 Taladaada waxaa loo dhiibtaa nimaan hagarna kaa gelayn hantina kaa dhaqanayn 42 Taladaan la ruugin waa lagu rafaadaa 43 Talo adigaa ku noolee iyadu kuguma noola 44 Talo keen ahow ama talo raac 45 Talo nin lehbaa u galgasha Tolna waa u ergeeya 46 Talo reer nina u taagwaa labona ku heshiinwayday 47 Talo waa isku gaadh 48 Talo walaaldiid tagoogaduu ka jabaa 49 Talo walba labo tallaabo dhexdooday ka dhalataa 50 Tawsi ninkeed dishay 51 Tigaadi isma qariso 52 Tigaadi iyadaa laacda 53 Tiisaba daryeelaa tu kale ku dara 54 Timir lafbaa ku jirta 55 Timirtii horeba dab loo waa 56 Tiro caal qabta sabeenteedaa laga bixiyaa 57 Tog walba biyihiisaa ka yimaada 58 Togba taagtiibuu rogmadaa 59 Tol waa tog 60 Tolkaa kuma gabee yaan afkaagu ku gabin 61 Toojoba nin laa maala 62 Tuugo kula taal tabtaada ma waydo 63 Tuugow hillaac yaa kula ogaa


J Maahmaahaha ka kaca xarafka (J)

64 Jiidhkii lahaye jidiin kama qoslo

X Maahmaahaha ka kaca xarafka (X)

65 Xaajo aan sida dabada riyaha loo faydini ma fayoobaato 66 Xaajo nimaan ogaynbaa indhaha ka rida 67 Xaasid maaya af-lax hadduu aflaxona ma aslaxo 68 Xabaal iyo ninkeeda laysaga tagaa 69 Xabaalba ninlaa Qargoosta 70 Xabaali ma socotee ninkeedaa socda 71 Xabaali qori saaris mooyee qori ka qaad maleh 72 Xadhig habeenimo ninkii xidha ayaa fura 73 Xaglo laabani xoolo kuma soo hoydaan 74 Xalaal iftiinbaa la qashaa 75 Xaqu feedhuhuu ka dillaacaa 76 Xayn yari sabool bay eedday, xididna hadal 77 Xidid xisaabtamay waa kala xabaal seegaan 78 Xidid xoolo ma kala laasto 79 Xoolo sarar ma gadmaane suuq bay gadmaan 80 Xoolona ku raran xaajona ka dedan 81 Xooluhu waxay ugu liitaan markay bahalkood kaa ceshan waayaan 82 Xooluhuna ciday isku afgartaa dadkuna hadalka isku afgartaan 83 Xujo ma falantee xaajaa falanta


D Maahmaahaha ka kaca xarafka (D)

84 Daacadi ma hungowdo 85 Daayeer xaraar raacayaa qonof uun buu haystaa 86 Dab aan ku gubin danbaskiisa kama baydhid 87 Dab aanad lahayn danbaskiisu kuma gubo 88 Dab munaafaq shiday muslin baa ku gubta 89 Daba la' geeleeda waa ku boqol 90 Dabagaalle Abeeso korkaasuu ka qabaa 91 Dabo laay gooji ama ha goojin geela guga dhalayaad iigu tirsan tahay 92 Dad cadaabeed dal cadaabeed baa laga galaa 93 Dad dooraale dantii ka bax 94 Dad iyo dameeroba nin lay u daaqaan 95 Dad iyo duurba wax aadan filayn baa kaaga yimaadda 96 Dad kaa badan iyo biyo kaa badaniba way ku hafiyaan 97 Dadaalaa xaaji cabaas waa gaadhaa 98 Dadku waa sida farahaas Ilaahay ma simin 99 Dagaal gondahaaguu ka dhashaa 100 Dagaal sokeeye dushaada hoodhi baa u danbaysa 101 Dagaal waa gaashaan u lahaw 102 Dagaal waa ka dare 103 Dameer aad saran tahay dhuusadeedu waxba kuma yeesho 104 Dameeraha Awdal ninkii oodda ka qaadaa aroorsha 105 Dameeraha tan ugu foosha xun baa ugu biqle badan 106 Dameero koy waw wada dhego taagaan 107 Dameero nin lay u daaqaan 108 Dameero waa midh ka lahow 109 Dameeruhu intaynan ci’da baran bay biqlaha bartaan 110 Dameeruhu isku hallayn bay hooyadood dabada uga nuugaan 111 Dan baa reer guuraa 112 Dani waa seeto 113 Dantaada iyo madaxaaga midna lagama boodo 114 Dantii mooge mara duuga horteeduu dhammaadaa 115 Dawacadu meeshay macal idaad ugu baratay macaluul ugu bakhtidaa 116 Daylooy waxaad ku oslatay ku aroor 117 Deeq darro iyo daw darro lays kuma daro 118 Deeqda reer-magaalku waa dakaamo 119 Deerada ta ugu gaabisaa ugu horboodda 120 Deero waa dal ma days 121 Deero waa labo nin deeq 122 Deerooy dantaa ma is daba mar baa? 123 Dibi beey waw dhutiyaa 124 Dibi foofay wayl uma xidhna 125 Dibi hooyo xuni hormuud ma noqdo 126 Diin dharaareed waa laysla arag 127 Doofaarka ficil-la'aan baa lagu cadaabaa 128 Doqon ciilla haw qabin calalla hawga tegin 129 Doqon hana u gargaarin hana gargaarsan 130 Doqoni ammaan aanay lahayn bay u rixisaa 131 Doqoni Calaf ma leh 132 Doqoni saaf carro loogu riday sedbursiinyo ma mooddo 133 Doqoni waxay casarka maqashay cawayska kugu caydaa 134 Doqonnimo aad isku ogtahay diracnimaday ka mid tahay 135 Doqonta usha agteedaa lagu dhuftaa 136 Doqontu il bay leedahay ishana sokeeyahay ku eegtaa 137 Doqontu meesha lagu kaftamo ayay mooddaa in lagu kala tegay 138 Dowladi indho qudhaanyay leedahay 139 Duco aan lagaa aqbalayn aamiin lama yidhaahdo 140 Dumaal nin ka xishooday kama ilmo dhalo 141 Dumar xoolo way kugu dhibaan haddii loo dhiibona ma dhaqan karaan 142 Dundumo iyo waxaro isma gafaan 143 Duqdu geela waa ku toban


R Maahmaahaha ka kaca xarafka (R)

144 Raad arooryo dib looma raaco 145 Rag aamusay iyo adhi raamsi daayay labaduba reerkooda gabe 146 Rag ballan baa xidha naagona meher baa xidha 147 Rag calooshiisa la ciyaar iyo ciil kama baxaa u daran, 148 Rag ciil cadaab ka dooray 149 Rag iska celi iyo Rabbi ka cabso meel ma wada galaan 150 Rag ka dhaliyaay waxaan ahayn ba waa laga helaa 151 Rag talo kama dhammaato 152 Rag talo waayey iyo naago caado waayey midna faa'iido ma leh 153 Rag walaalow waxaad kaga weydo waran kagama heshid 154 Rag walaalow waxay ku dhaamo la waa 155 Ragga gogoshiisu waa nabad 156 Raggu bi'iisuu ka sheekeeyaa dumarkuna badhaadhohooda 157 Ragna waa raggii hore hadalna waa intuu yidhi 158 Raqba waa ku raggeed 159 Reer nabad ah looma talin waayo 160 Reer-guure-raac iyo carruur waa loo kala sheekeeyaa ismase arkaan 161 Riyohoo qaawan baa idaha ku qosla 162 Riyuhu hadday dib leeyihiin dabadooday ku qarsan lahaayeen 163 Roor-roor badane reer ma dhaqdo 164 Runtu ragga kama nixiso 165 Ruqo ninkii lahaa dabada hayaa ma kacdo 166 Ruuxii araggiisu ku deeqaaa oontiisuna ku deeqdaa


S Maahmaahaha ka kaca xarafka (S)

167 Saacadii dhalataaba sameheeda leh 168 Sacabka waxaa loo tumaa xeel 169 Sacba weyshiisaa loo xidhaa 170 Sagaaradu saalada waxay u aastaa geelu haku jabo 171 Sagaaradu saalo aan qarsoomayn bay aastaa 172 Sagaaro intay tub joogtay tub dayataa 173 Sagaaro inteeda waa ku duq 174 Sagaaro laba tun oo la kala qalo ma leh 175 Sagaaro waa laba nin ku dubad 176 Salaad walba wakhtigeedaa la tukadaa 177 Sankaagoo qudhmay lama gooyo 178 Sariir seexdiyo sanaag seexde Alle u siman 179 Saxaro ul-dheerbaa layskaga tiraa 180 Senge kadlihiisa iyo kuddaacadiisa waa laysla sugaa 181 Sideebay xeego xeego ku noqotaa ilkona ku nabad galaan 182 Sino laguma fadhiyee soorbaa lagu fadhiyaa 183 Siqiir naagood sir la'aan ma dhinto 184 Sir maqabe Allow maqan 185 Sir naagood lagama sal gaadho 186 Sirqadii sinahaaga ogolbaa dushaada la saaraa 187 Sixun wax u sheeg sixir wuu ka daranyahay 188 Soddogaa geel waa looga taga laakiin geed looma tago 189 Soomaalidu marka geela loo heesay gorayada u heestaa 190 Soomaalidu ninkay adhiga kala quusatay geela u dirsataa 191 Soomaalidu wuxuu isku dilaa aan dhergo iyo aan dhadhansho 192 Subxaanyada bahal hoose u ekaanbaa lagu dilaa 193 Summalka la garay oo Seentabal malooliyow maxaad tahay 194 Suun biciid biri ma goyso


SH Maahmaahaha ka kaca xarafka (SH)

195 Shaarubo libaax lama salaaxo 196 Shiishle war ma galo 197 Shinbir duulduul badan shabeel madixiisay ku degtaa 198 Shinbiri maalin bay dab qaaddoo buulkeedii bay ku gubtay 199 Shan dhal geel ninka lihina ma bixiyo kala siiyaana ma qaato 200 Shan nin oo is-raba shanshaa ka baxda shan aan is-rabinna shan shanshaa ka baxa 201 Shinbir duul duul badani af libaax bay gashaa 197 Shinirba shinbirkiisuu la duulaa 198 Shir looma wada uunsiyo


DH Maahmaahaha ka kaca xarafka (Dh)

199 Dhacaay xeradaan kuu fadhiyaa 200 Dhagar qabe dhulkaa u dhaqdhaqaaqa 201 Dhagax tuujin iyo taabasho waa isku mid 202 Dhallaankii dhabarkaaga ogolbaa dhabarkaaga la saaraa 203 Dhaw-dhawlaha afkeedaa u wed ah 204 Dheriga karka kulaylkaa ka keena 205 Dhero hawo laga qabo hoolmo iyo harrati la isuma daro 206 Dhibiq-dhibiq hore dhabanno hays danbay leedahay 207 Dhicisku inta birta loosoo siduu bakhtiyaa 208 Dhidar xabaalo qufaa qudhunbuu uga dhacaa 209 Dhurwaa orodna lagu Gaadhi waa afna wax lagaga qaadi waa 210 Dhuuggu geedaha ma cuno geelana uma oggola


C Maahmaahaha ka kaca xarafka (C)

211 Caado la gooyaa cadho allay leedahay 212 Caana xun dhiga iyana ku murdis la’ 213 Caanaa la wadaagaaye hadal lama wadaago 214 Caano daatay dabadooda la qabay 215 Caano nin lisay la ogyahay ninkastaaba ha sido 216 Cadho nirig ka kacday iyo colaad naag ka kacday midna ma qabowdo 217 Cadowgaaga Cankaa loo buuraa 218 Cagtii joogsan weydaa marbay ceeb la kulantaa 219 Calaacal ciil ma bi’iyo 220 Calool adayg waa ilaahay wehelkii 221 Carraaboba fadhaa Quusiyay 222 Carruurtu kal xishoota ma leha ee kal baqday leedahay 223 Carruurtu kal xishoota maleh ee kal baqday leedahay 224 Carruurtu markay kuftana way oydaa markaad kuftona way kugu qososhaa 225 Carruurtu mulaca ciyaar-ciyaar bay u dishaa isna waa u qudhg-ooyo 226 Ceel nin galay baa laga waraystaa 227 Cidi ku sheegi maysee camalkaagu yaanu ku sheegin 228 Cidina uma maqna Ceella uma qodna 229 Ciirtaa dhamaa caydaa yaqaan 230 Colaad wiil baa ku dhintee wiil kuma dhasho 231 Colna wax la qarsado maaha Caruurbaa I dhacdayna af maaha 232 Culimo jiilaal injirteeda lagama qabto 233 Curad reer ku filan


G Maahmaahaha ka kaca xarafka (G)

234 Gaal dil gartiisana sii 235 Gaashaan-qaad ma habaabo 236 Gabadhi guri ha kaaga jirto ama god 237 Gabadhi waa Guur ama Geeri 238 Gacantaadu hadday dhudhub gasho lama soo dhuftee waa la soo dhirindhiriyaa 239 Gacantu hadday go’do gammuurkaa dhaqdhaqaaqa 240 Gacmo wada-jirbay wax ku gooyaan 241 Gadhba gadh baa la tusaa 242 Gal dad-liqa ul baa layskaga dayaa 243 Gallad midgaan waa inta gafuurku qoyan yahay 244 Gar waa loo wada Islaam 245 Garbadiiri Nin dagan ma weydo 246 Gardarraale ma guulaysto 247 Gari laba nin kama wada qosliso 248 Geed in gubtaa waa hoos taal 249 Geed-joog gartiis waa tiqaa 250 Geel carruuri Qaadday ma foga 251 Geel diday doh loogama hadho, naagona ku diiday loogama hadho 252 Geel diddii lagagama hadho 253 Geel doono geeso dhiiglay dhashaa 254 Geel duqdaa loo dheelmiyaa 255 Geel iyo Gabdhoba Gurigoodaa lagu martiyaa 256 Geel iyo habloba waa la hiddo raacaa 257 Geel laba jir soo wada mar 258 Geel tegay tawaalee 259 Geel waa geel Wixii gooyaana waa geel 260 Geel warkii raac 261 Geela duqdiisu durdurisay aarankiisana maxaad mooddaa 262 Geelba sibir godan 263 Geeljire geela waa wada jirtaa waana kala jirtaa 264 Geelna waa gilgishaa ragna waa galgashaa 265 Geeloow geed walba daaqdaye markaad ciin daaqdaa laguu yaabaa 266 Geelu dhankuu u badan yahay baa loo dheelmiyaa 267 Geelu hadduu labada danbe habeed ku yeeshona waa ged uu lahaa hadduu labada hore ku yeeshona waa ged uu la soo baxay 268 Gees Lo'aad kulaylkaa lagu gooyaa 269 Geesinnimadu waa inyar oo aad cagaha dhulka ku hayso 270 Geeso biciid waa barbarro 271 God libaax lafuhu kama dhammadaan 272 Godka kobdarraa qodda dawacaase libta leh 273 Godob sokeeye waa qaaxo 274 Gojoxo geel wax gunti la geliyo ka weyn 275 Gorayadu ciyaarta lug ku gashaa hadday hagaagtona labadaba way isugu geysaa 276 Gorayga sheedo ku taagani xuddun u dhac ama nagaadwyne 277 Gorayo haad noqon wayday 278 Gudin yahay haddaan badhkay kugu jirin imaad goyseen 279 Guri adduun madhax diid 280 Guumaystu jirka haya kama oydee ka soo socday ka oydaa


F Maahmaahaha ka kaca xarafka (F)

281 Fadhi iyo Fuud Yicibeed laysku waa 282 Fadhiid socod bartay iyo fiqiir xoolo helay labaduba way fookeeyaan 283 Fallaadhi gil-gilasho kaagama hadho 284 Faq fagaaruu yimaaddaa 285 Far qudhiyi fool ma dhaqdo 286 Faras qaayihiisii qurux buu ku doorsaday 287 Faraska ceelka gee laakiin ha ku khasbin 288 Fardo laysu hayo maxaa laysaga faanin 289 Fardo yakh waw wada dhego taagaan 290 Fari tog-dheer bay kula xushaa 291 Faro aan dufan lahayni wax ma duugaan 292 Fartaadoo xumaataa filiqfiliq kaagama hadho 293 Fiqi bahdii kama janna tago 294 Fool aan kululayn ilmo kuma dhashaan 295 Fule hooyadii ma goblanto 296 Fule isagaaba geesiya 297 Fule wax ka qorya gurasho badan 298 Fulow guuli kuu dhoweydaa


Q Maahmaahaha ka kaca xarafka (Q)

299 Qalbigu Labo uma qaybsamo 295 Qaylo gar dhowaysay 296 Qofkastaa wuxuu dhitaaystuu dhamaa 297 Qoodhi qallaco ma weydo 298 Qoodhi qardabo ma weydo 299 Qoodhi xero kuma heshiiso 300 Qoolay qoor qabasho biyo kuma cabto 301 Qosol qoonsimaad noqay 302 Qosolbaa qoonsimaad leh 303 Qufac iyo jacayl midna ma qarsoomo 304 Qunyar socde qodaxi ma muddo 305 Qunyar socod qodaxi ma mudo 306 Quud aan jirin qoryo u guro


K Maahmaahaha ka kaca xarafka (K)

307 Kaadi badane waa loo gogol badiyaa 308 Kaadi casadaadii la arag cidina kuu badinmayso 309 Kab iyo qudhunkeeda waa laysku tuuraa 310 Kab xume ma hadhee kab laawaa hadha 311 Karis xun iyana ku murud la’ 312 Kas dumar oo kadalloob rag kaaga danbeeyay kii aad ku ogaydba maaha 313 Kitaab meelaan lagu fasirayn laguma furfuro 314 Kun saaxiib waa yar tahay hal cadowna waa badan yahay


L Maahmaahaha ka kaca xarafka (L)

315 Laab la kacay lugana kuma taagni 316 Laabi labo u la' 317 Laako sagaaro raq bay kordhiyaan 318 Labaatan jir mudug jooga Ilaahay uma xil qarin 319 Labadii xaqdarro ku heshiisaa xaqay ku collowdaa 320 Labo aan isku dan ahayni way isku daashaa 321 Labo biyo hoostood iska haraatiyay iyagaa is og 322 Labo oodafo ma kala abaal weydo 323 Laf jabtay sideedii ma noqoto 324 Lafo maroodi iyagaa laysku jebshaa 325 Laftaan la tuuri doonin feenta lagama dhammeeyo 326 Lama huraan waa ceel wiyeer 327 Lax dhukani col iyo abaarba ka dhego la’ 328 Lax waliba shillalkay is dhigtaa lagu qalaa 329 Layligu biyaha kashiisa ku jiruu ka didaa 330 Lib nin kaaga horreeyay lib maaha 331 Libaax inta bulbushu ku taalo bahal ma cuno 332 Libaax labo hog lagama wada kiciyo 333 Libaax marabi ma noqdo 334 Libaax nimaan aqoonbaa hilbo ka rita 335 Libaax nin ganay iyo nin galladayba og 336 Lo’ joogsanweyday sacbaya la wareegaysaa 337 Lugi faras ma gaadho 338 Lugtu hadday jeeniga dhaafto way jabtaa 339 Labo qaawani isma qaadi karaan 340 Laqan dameer ma gudo 341 Lo iyo dumarba diiftay isu eryaan 342 Lugtaneey marba nin ku qaad


M Maahmaahaha ka kaca xarafka (M)

343 Maan rag waa mudacyo afkood 344 Maba dhalane dhawrtaysan ogaa 345 Macal cune soo bixi doonee 346 Madax madow baa miyir ku danbeeyay 347 Madax meel ka saraysoo la salaaxaa ma jirto 348 Madax muuqda iyo mindi Saawir ah midna lagama samro 349 Magac laga Miskiin Maaha 350 Magac maan la'aan ma baxo 351 Mandheer garkeed ku doon garna garteed ku doon 352 Mar I dage Alle ha dago mar labaad I dagena anays dagay 353 Marka ceelalyo heshiisaa reer maadh cabbaa 354 Marka waylo la helaa lo’da la maalaa 355 Maroodigu takarta saaran ma arkee, ka kale ta saraan buu arkaa 356 Mas baa abur dhala 357 Mas'alo guur iyo roob maqrib midna laguma degdego 358 Masku intaanu ku candhuufin baa la candhuufaa 359 Maslaxadaada maqaar Eyna waa loogu seexdaa 360 Maxay ku nuugtaa ama ka nuugtaa, naasiyo faruuryoba la’e 361 Meel aar ka kacay atoor fadh-fadhiisay 362 Meel col maray caymad ma leh 363 Meel dayax joogo xiddigo wax kama ifiyaan 364 Meel hoo u baahan hadal wax kama taro 365 Meel lagaa jecel yahay haddaad ka tagto meel lagaa neceb yahaad tagtaa 366 Meel laysku galay qaylo ka yeedhay 367 Meel xinjiri ku daadatay xabbaa lagu bururshaa 368 Meeshaad nin kaga fogaato nin baad ka dhowaataa 369 Midho guntigaaga ku jira, midho geed saaran looma daadsho 370 Midho nin aan cunin ma qabtaan 371 Milil korkii lama dhayo 372 Minjo dhooqo marba mid baa la baxshaa 373 Miskiin baa misko la fuulo leh 374 Moqorka iyo afka dhuuntaa u dhexaysa

N Maahmaahaha ka kaca xarafka (N)

375 Naag beenna ku soo xero geli runna ku dhaq 376 Naag la furay fadhi uma yaal 351 Naagi nin bay diiddaa ee rag ma diiddo 352 Naagi nin kama gabowdo waase geeriyootaa 353 Naagi shan wiil oo cad-cad waa ka tagtaa laakiin shan hadhuub oo xoor leh kama tagto 354 Naagi hadalkaagana ha maqasho hanbadaadana ha kuu hayso, Haddii taa la waayo, dushana ha kuugu qaaddo dabkana ha kaa xigto 355 Naagi waa u samir ama ka samir 356 Naago nimay legdaan kama kacaan 357 Naago nimay yaqaanaan nin ma moodaan 358 Naago waxa ugu daran tag ama joog 359 Naaguhu Geela hadday waayaan nabastooday ka dayaan 360 Naaguhu ninkay nolosha ku nacaani ma dumaalo 361 Naaguhu waxay doonayaan bay diidney yidhaahdaan 362 Nabsi bil ha jiro boqolse ha jiro isha baalkee ka dhow 363 Naf Ilaahay leeyahay nabsi lagama galo 364 Nimaad taqaan yaa tahay lama yiraahdo 365 Nimaan baqini ma baxsado 366 Nimaan dhul marini dhaayo ma leh 367 Nimaan hadlin hooyadii wax ma siiso 368 Nimaan kuu furayni yuu kuu rarin 369 Nimaan naanays lahayni waa ri geeso la' 370 Nimaan qooq dilin maroodi ma dilo 371 Nimaan shantaadu kaa reebin sharci kaama reebo 372 Nimaan warankaagu gelin weedhaadu ma gasho 373 Nimay meeli u caddahay meeli ka madow 374 Nimco waliba nuqsaanteeda leh 375 Nin aamus badan lama xujeeyo 376 Nin ani yidhi dad iska reeb 377 Nin buka boqol u talisay 378 Nin buka nin baahan wax looguma dhiibo 379 Nin caano geel kuugu cadhaysan lalama ciyaaro 380 Nin Ceesaan waydiinteeda kugu dhiba kaxaynteedaa lagu dhibaa 381 Nin daad qaaday xunbo cuskay 382 Nin dab waawey digo shidey 383 Nin dameero dabadood ka degay meel uga toobboon buu waayey 384 Nin dameero rartay dad la toy maaha 385 Nin dameero watow warkaagu wuu kaa soo horreeyay 386 Nin dhintay kabihiisaa dhaama 387 Nin durbaan tumay Ilaaq dalbay 388 Nin Faash haystaa xaabo ma waayo 389 Nin fadhigaaga arka looma sare joogsado 390 Nin fadhigaaga arka looma sare joogsado 391 Nin gaajo u dhintay axankiisa lagama dhergo 392 Nin gabadh xun geed ka furay tiisuu ku xidhay 393 Nin geed geli jiray geed looma galo 394 Nin gogol xun iyo waraabe god xun midna gu'giis gaadho 395 Nin gu' kaa weyni il guruxeedna kaa weyn 396 Nin hadal kugu dhibay aammus baa lagu dilaa 397 Nin hadhuudh beertay shinbiro ma waayo 398 Nin hal kugu dhiba hadalkaa lagu dhibaa 399 Nin hullaab xumi inuu wax qarsanayaa la moodaa 400 Nin ilko waa weyni hadduu dhintona inuu qoslayaa la moodaa 401 Nin is faanshey waa ri is nuugtey 402 Nin iyo hadalkii is leh 403 Nin iyo Naagtii colna maaha nabadna maaha 404 Nin iyo xididkii is tus oo iskaga tag 405 Nin kelyo jilicsan bay kaadidu gubtaa 406 Nin ku raba weyd kaama laqanyaysiin waayo 407 Nin kuu digay kuma dilin 408 Nin maqan tebistii waa nin jooga ceebtii 409 Nin ood sita iyo nin adhi la joogaa war ma kala laastaan 410 Nin qaylo yar geeliisa lama dhiciyo 411 Nin qoyani biyo iskama dhawro 412 Nin reer u weyn iyo naag naago ka ummulisay midna siduu wax u og yahay uma sheego 413 Nin reerkiisa kaa sooray nindheh, nin reer kale kaa soorayna nimanyaal dheh 414 Nin seexday oo soo toosay waa sidiisii 387 Nin shinbiro gaadayaa wadhaf ma tuuro 388 Nin shinbiro ka baqayaa hadhuud ma beerto 389 Nin soori kaa qaadday waa nimay seefi kaa qaadday 390 Nin tagooggii lammaanaaday taladii waa lammaanaatay 391 Nin talo xumi tabaalo ma waayo 392 Nin walba qummanihiisaa qoorta ugu jira 393 Nin walbaa kaskiisuu kor tagaa 394 Nin walbaa wuxuu dhitaystuu dhamaa 395 Nin waliba Wuxuu qabo Qardho la iman doonee 396 Nin waxari qadisay awel buu qatanaa 397 Nin weedh sugi waayay waran ma sugo 398 Nin weyn hadal ka dhacay waa geed qolofi ka dhacday 399 Nin weyni wedkiisa waa yaqaan 400 Nin xil qaaday eed qaad 400 Nin xoolihiisa bahal ku jiro ayaan-darane waa yidhaahdaa laakiin orod-darane lama yidhaahdo 401 Ninba Ceesaantii Ceel keen 402 Ninba intuu cunuu ciidamiyaa 403 Ninba meesha bugtaa isagay belbeshaa 404 Ninba taagtiibuu tallaabsadaa 405 Ninka candhuuftaadu gaadhay calaacashaaduna ha gaadho 406 Ninka cirka soo duminayaa meeshuu ka galaan anna ka gelayaa 407 Ninka soo qoysanayow adna yaa kuu xiiri 408 Ninkaad kabo ka tolanayso kuwiisaa la eegaa 409 Ninkii albaab aanu lahayn garaacaa jawaabtiisuu helaa 410 Ninkii ba’naayow lagu fasax 411 Ninkii Ilaahay duunyo la maagay dadkeeduu siiyaa 412 Ninkii isha dabana aadamahaa arka ninkii uurka dabana Ilaahay baa arka 413 Ninkii isha kuu guduudsha ooddaa loo guduudshaa 414 Ninkii laba farood fuula futadaa kala dillaacda 415 Ninkii mas korsaday isaga meleg 416 Ninkii seexdaa sicii dibi dhalay 417 Ninkii soo joog laga waayo soo jiifsaa laga helaa 418 Ninkii tiisaba daryeelaa tu kalena ku dara 419 Ninkii waa kuula baryaa walaalkaa ah 420 Ninna intuu kuu jiro kuuma soo dhaafo 421 Ninweyni goor waa beryay waa gartaa 422 Nirigtaad naaska u diidaa afartaba way kuu diidaa


H Maahmaahaha ka kaca xarafka (H)

423 Haani Gun bay ka tolantaa 424 Haanta iyo hadhuubkeeda adigaa ugu san iyo adigaa ugu san bay subagga ku dhalaan 425 Habar Alle-bariday mooradeeday ka aragtay 426 Habar dhali weyday aleelo ku waalatay 427 Habar fadhida legdini wax kala fudud 428 Habeen indho ma leh 429 Hadal haamo ma buuxsho 430 Hadal intuu afkaaga ku jiruu ammaan kuu yahay 431 Hadal iyo Habloba duco la'aan bay tarmaan 432 Hadal iyo ilkoba waa la caddeeyaa 433 Hadal nin badiyayna ma dhammayn nin yareeyayna wax kama tegin 434 Hadal waa mergiyoo docdii loo jiiduu u kacaa 435 Hadal waayeel waa guudmar 436 Hadalka haddaan runta laga sheegin wax ka xun baa laga sheegaa 437 Haddaad dhimanayso dhareerka waa layska duwaa 438 Haddaan la kala roonaan roob ma da’o! 439 Haddaan lays dan deyin waa la kala dadoobaa 440 Haddii degdegsiinyo door dhalo kaadsiinyona kiish lacaguu dhalaa 441 Haddii dhibi timaado dhab darro hadhan 442 Haddii fooli timaado gudo qarsi dhimay 443 Haddii kuugtu badato maraqaa xumaada 444 Hal aad nin ku baratay hal baas kuuma aha 445 Hal bil qadday maalin kuma dari weydo 446 Hal booliyi nirig xalaala ma dhasho 447 Hal cadho leh geeday ku xoqato ma weydo 448 Hal ii lis ama hal ii dheh 449 Hal iyo habarba nin hoos galay baa og 450 Hal jeeni kama go'o 451 Hal la magac dhabay kacday ama kuur- kuursatay 452 Hal libaax arkaysaa ma godlato 453 Hal nin la toosan ba ninna tuur la leh 454 Halaag lama hadhiyo 455 Hali geel maaha geel bayse kuu geysaa 456 Haliil xoolaad laguma hodmo 457 Hangaraarac lug uma dhutiyo 458 Harag libaax haadi ma jiiddo 459 Harag sagaaro iiga kac mooyee iiga durug ma leh 460 Hargo madhan side hawli kama tegin habaarna u dheer 461 Hasha adiga kaa gudhani nin kalay u irmaan tahay 462 Hasha geela cuntee cabaadda 463 Hasha laba midigoodle dhengedeeyay dhinacna uma fayooba 464 Hasha maqaarka diidaysaa dal-dalool bay ka eegtaa 465 Hashu laaciyo laanka aragtee laagga ma og tahay 466 Hashu Maankayga gaddee ma musaar bay liqday 467 Haween taad barataaba ba'an 468 Hawli jid bannaysay 469 Hawli waa isla qabad 470 Hawraar nin si u yidhi ninna si u qaaday 471 Hilbaha ha la qaybshee dhulka ma loo oggol yahay 472 Hillaac wax I tus anna wax arkay 473 Hillaacuba biyihisa wuu caddaystaa 474 Hoosba Hadal leh 475 Hooyadii ka guure aayadii uma nagaado 476 Horay u cune dib uma cuno 477 Hugaaguba wuu kula baryo tagaa 478 Hullo sheegasho hawl kaama reebto 479 Hunguri wax ka weyn la geliyaa wuu dillaacaa 480 Hunguri wed ma arko 481 Hungurigii wax ka weyn la geliyaa wuu dillaacaa 482 Hunnu’ hunnu’ hadal maaha hinbiriirsina wax arag maaha

W Maahmaahaha ka kaca xarafka (W)

483 Waa la doogiye yaan la dacaroon 484 Waadiga yari wadadaweyn buu kugu ridaa 485 Waagii beryaaba waayihiisa leh 486 Waan baahanahay bakhtiga looma cuno 487 Waayeel dululaati buu wa ka arka 488 Waayeel hortiisa caano lagu badhxaa 489 Waayeel korkiisu waa wada indho 490 Waayeel tag lama yidhaahdee wuxuu ku tagaa la tusaa 491 Waayeelow waxna garo waxna gado 492 Wadaanta isha ka xumaataa faylkay la tagtaa 493 Wadhaf iyo shinbiro war isuma hayaan 494 Wahsi wiil kulama koriyo 495 Walaalkaa wiil u lahaw wiilkaagna walaal u lahaw 496 Walaalo is-jecel waana xoolo bataan waano xabaalo yaraadaan 497 Walaalo kala tagaa waana xabaalo bataan waana xoolo yaraadaan 498 Walax sheeg sheeg walax duuduub baa dhaama 499 Wanweyn ilaa la gawraco indhihiisu cirka ma arkaan 500 War indhaa dhaama 501 War jiraaba cakaaruu iman 502 War la helyaaba talo la hel 503 War la qabaa xiiso maleh 504 War xumi jeex ma fadhiyo 505 Waraabe ilkihiisana uma roona laf meel taalna uma roona 506 Waraabe meeshii loo eryaaba waa u banaan 507 Warbaa ugu gaajo kulul 508 Wareer cawo waa loo waabariistaa 509 Warna meel dheer buu ku dhacaa warana meel dhaw 510 Wax is weydiini ma xumee wax is weydaarin baa daran 511 Wax la qariyo qudhunbaa ku jira 512 Wax rag kaa galay rako kaa gale 513 Wax wada qab waa aad 514 Wax wax ku siiya wax-badanbaad aragtaa wax wax kuu sheegana wax yar 515 Waxaad barataaba waa baaskaa 516 Waxaad daysaaba waa ku daayaan 517 Waxaad qarsataaba waa ku qarsadaan 518 Waxaadan hubsanbaa hog kaa rida 519 Waxay sheegtoba ha weydee waa lagu shareeraa 520 Waxbadso wax beelbay dhashaa 521 Wayd gurigaaga laguma waraabsho 522 Weyl dibi xumi qoodh ma noqdo 523 Weysha gowrac dibigu ha ku quustee 524 Wii sagaaro iyo way sokeeye midna ma baaqdo 525 Wiil wiil loo waayay waa Alle kaa qaad 526 Wixii nin dhibaa labo nin ma dhibto 527 Wixii rag u kaco rabbina aqbalo waa rumoobaan 528 Wuxuu waayeelku ku hadlay carruurtu ku hadaaqdaa


Y Maahmaahaha ka kaca xarafka (Y)

529 Yeelaa waa ilaawaa la yeelaase ma ilaawo 530 Yibir dhalatayba indhaha hayska ridin waa garataa


A Maahmaahaha ka kaca xarafka (A)

531 Aabihay baa geel leh anaa dameero leh baa dhaanta 532 Aakhiro seeg mooyee aar walaal ma noqdo 533 Aan dhintee aaway dhul dhow 534 Aayadii ka guure hooyadii uma negaado 535 Abaal waa lagalaa lamase gudo 536 Abeesadu dhul u ekaan bay kugu dishaa 537 Abeesadu marka far loo taagay fanax taagtaa 538 Abeeso godkeeda kama guurtee ninkii ugu galaa ka gardaran 539 Adduun magic baa ka hadha 540 Adduun waa hadhka labadiisa gelin 541 Adhi adhi kob loogama saaro 542 Adhi been waa didaa beense ma dhutiyo 543 Adhi daasad kama ilbaxo 544 Adhi jiri ma kala abaal weydo 545 Adhi la laayaa adhi la laayuu leeyahay 546 Af wax cunay xishoo 547 Afeef hore lahaw ama adkaysan danbe 548 Af-jooga iyo addimmo lo’aad midna looma adeego 549 Afkaagoo ku xidha oo aan ku furin waa Alle kaa goo 550 Af-xumo nabadna way kaa kaxaysaa Colaadna wax kaagama tarto 551 Aji fal dhiman lama tuso 552 Ajigu Nin deero sabay bay sabaan 553 Ajow tagto daayoo tamaaddo ogow 554 Albaab furan lama galee qalbi furna baa la galaa 555 Alifkii kaa qalloocdaa Albaqruu kula tagaa 556 Ammaano raagtay Yaddaa baad mooddaa 557 Aqbal keen waa talo keen 558 Aqoon La'aani waa iftiin la'aan 559 Arag caammo male caaqil baa dhaama 560 Awr awr wado iyo nin naagi waddo midna kaama baydhaan 561 Awr dabar la'aan dhacay dugaaggaa ka dherga (cuna) 562 Awr wayuud nabar uu og yahay kama gabado 563 Awr xamilkii waa qaadaa, xadhig qaloocanse ma qaado 564 Awrba Awrka ka horreeya horraan qaadkiisuu leeyahay 565 Awrba kal buu dhaamiyaa 566 Axdi laawe waa diin laawe 567 Ayax teg eelna reeb


I Maahmaahaha ka kaca xarafka (I)

568 I jiid aan ku jiido waa gacmo daalis 569 Ilaahow aqoonna ha nagu cadaabin eexna ha nagaga tegin 570 Ilko Abeeso hoos ka xidhiidhsan 571 Ilko dameeraad siman 572 Ilko dhiig badhna waa la liqaa badhna waa la tufaa 573 Ilma adeeri isma indho buuxiso 574 In dood la yaqaan in dan la yaqaan baa ka roon 575 Inan iyo Abeesoba afkooday u dhintaan 576 Indha laga baqaa Ilaahbay ku yaallaan 577 Indho ibtilaysan baa belaayo arka 578 Inta haadda loo tuuro laguma hilbo diriro 579 Intaad gaari raadinaysaa goonbaar wiilkeed ciidamiyaa 580 Intaadan falin ka fiirso 581 Intay Buurdhaab jirtay muyona waa jirtay 582 Intay calooshu buki lahayd caytu ha bugtoo 583 Ishiisa laga arka ushiisa lagu dilaa 584 Isma arke Islaan maag 585 Isma hurtooy hays hallayn


O Maahmaahaha ka kaca xarafka (O)

586 Ogaal diidaa Nac waaruu leeyahay 587 Ood kaa dheeri kuma dhaxan tirto 588 Ood kaa fogi kuma dhaxan tirto 589 Ooddii heedhaa bahalkii haadaa 590 Oodi ab ka dhow 591 Oodi qaadis iyo jiidis waa isla guri geyn 592 Oodo dhacameed siday u kala sareeyaan baa loo kala guraa


U Maahmaahaha ka kaca xarafka (U)

593 Ushaada waxaa loo dhiibtaa nimaad ka qaadan karto 594 Uur-jiif habartiis ku gawracan


Maahmaaha Af Xamariga ah

595 Abkey dooli dilow dad nool maws daahaa 596 Abooto koris iyo Alle kaa qaad yaa daran 597 Ayaan lay aqal ma weydo 598 Badar nikii beertaa isagaa beegta 599 Baraako nin laa bukeeya 600 Belaayo salgan baa ka horreeya 601 Beri samaad waa badnaaye nololbaa ka badatay 602 Budo qabe iyo biyo qabe way isu baahan yihiin 603 Calaacal waa rag ceebtiis 604 Canjeero siday u kala koraysaa loo kala cunaa 605 Cimrigaagoo dheerada geel dhalaayadna waa ku tusaa 606 Cudud rag isu geeyo calaf baa kala dhawra 607 Dabagaale laandayri waa muuse muuse 608 Dagaal waa gaashaan u lahaw 609 Deriskaaga oo dirirtaada doonayaa dooradaada iga ceshuu dhahaa 610 Dhabiiltan naagood ma dhammaadee ragow wax u dhaqo 611 Dhebaddu jirka haya kama oydee ka soo socday ka oydaa 612 Dhug iyo dherer laysla waa 613 Dhuubow ma jiree Gaabowbaa jira 614 Dirif dhowaa ma Doollibaa, Diyaabuu qoorta ii geshee 615 Geel indha-kuul muxuu ka kasaa 616 Giir lo'aad iyo girid mocooyo midna ma go'o 617 haddii deg-degsiin door dhalo kaadsiinyona kiish lacaguu dhalaa 618 Indho rag ilxun waa laga dhawraa 619 Jinni ninkii keenaa saara 620 Kal caano galeen kas ma leh 621 Kismaan kistaada iyo karbuunadaada 622 Koombiro kabaalkay ku hartaa 623 Labadii sir ku heshiisaa saaqay ku dirirtaa 624 Lillaahi iyo laqdabo meel ma wada galaan 625 Lillaahi iyo laqdabo meel ma wada galaan 626 Luuq luuq maraw Laasim laamiguus yimaadaa 627 Malaay bannaan ma yimaadee maqaalin baa keenta 628 Maslaxo naag laga doonay iyo malaay duur laga doonay midna laguma guulaysto 629 Masugto meher ma leh 630 Matabcade burweyne baxaruus ku jiraa 631 Midiidin ma bukooto 632 Minay fatuuro fiiq tidha ninkii fadhaaya ma fayooba 633 Mindi aan daab lahayni madax dooro ma goyso xataa malaay sarsarowma gasho 634 Mukulaal minankeedii joogtaa miciyo libaax bay leedahay 635 Muraadka Xamar muraayad baa kaa xigta 636 Musbaax minankaagu u baahanyahay Minan dadow lama geeyo 637 Naagi kas ha lahaato kartina ha lahaato 638 Naar Galow Tiimbo 639 Nabadbaa naas la nuugo leh 640 Nimaad beri ku baran weyday bil kuma baratid 641 Qooq ma jabee ninkiisaa jaba 642 Qosol hiilo waa galaa 643 Quraankii Alifka ka qalloocdaa Albaqruu kula tagaa 644 Sabuul geley nin ku siiyaa la siiyaa 645 Shallaay waa shay xaaraan ah 646 Sir maqabe saabbaa biyo u cesha 647 Waayeel xanaaqay xil ma kaso 648 Wixii kugu dhacay kun sano ayay kaa weyn yihiin 649 Xamar waa xeelad, Xaradheere xoog


Maahmaahaha Saddexan

650 Saddexbaa Rag u Liita

	        1.     Ma toshe 
	        2.     Ma tashiishe 
	        3.     Iyo Ma tashade
	

651 Saddex kama soo Rayso

	   1.     Codkar Magaalo 
	   2.     Cirroole Buureed
	   3.     Iyo Caqli Dumar
	

652 Saddex Ilaahay waa karaa mase Yeelo

	   1.     Cibaadaysan maayee Ilaahow hay Cadaabin 
	   2.     Xoogsan maayee Ilaahow Xoolo isii
	   3.     Iyo Guursan maayee Ilaahow hay Goblamin
	

653 Saddex Saddexbaa lagu kabaa

	   1.     Aduun yaraan Iimaan baa lagu kabaa
	   2.     Aqal gudo yar Ardaa baa lagu kabaa
	   3.     Aqoon yaraana Aamus baa lagu kabaa
	

654 Saddex buu Ragu dhalaa

	   1.     Walaalkii dhale
	   2.     Wedkii dhale
	   3.     Iyo Wiilkii dhale
	

655 Saddex Ilaahbaa kugu naca

	   1.     Salaad La'aan 
	   2.     Sadaqo La'aan
	   3.     Iyo Soon La'aan
	

656 Saddexna Aadmigaa kugu naca

	   1.     Talo La'aan 
	   2.     Tabar La'aan
	   3.     Iyo Taran La'aan
	

657 Saddexnbaa Rag ugu Liita

	   1.    Taratii diid 
	   2.     Tamootidii Maqashay
	   3.     Iyo Tolkii Cay
	

658 Saddex Dugaal si maleh

	   1.     Matoor dugsigii 
	   2.     Doqon Saaxiibkeed 
	   3.     Iyo Dameer Taarashadii
	

659 Saddex waa ku hoddaa

	   1.     Hooli Xagaa 
	   2.     Hillaac Aarad 
	   3.     Iyo Hadal Naageed
	

660 Saddex lalama derso

	   1.     Doqon Fiiro Badan 
	   2.     Bakhayl Damac Badan
	   3.     Iyo Fule Daandaansi Badan
	

661 Saddex Naftaada ka ogow

	   1.     Toobad La'aan 
	   2.     Talo xumo 
	   3.     Iyo Taf Habreed 
	

662 Saddexna Reerkaaga ka ogow

	   1.     Bar xun 
	   2.     Booli (Dhac iyo Tuugo)
	   3.     Iyo Rabbi Bari La'aan
	

663 Saddexna Tolkaa ka ogow

	   1.     Guddoon Jilicsan  
	   2.     Gacan Laaban 
	   3.     Iyo Guunaas
	

664 Saddex Looma taag helo

	   1.     Gardarro garab og 
	   2.     Gaajo Guri og
	   3.     Iyo Tawin Geeri og
	

665 Saddex Ilaahbaa Naagaha ku Naca

	   1.     Salaad La'aan 
	   2.     Sadaqo La'aan
	   3.     Iyo Soon La'aan
	

666 Saddexna Ninkooda ku Naca

	   1.     Galmo Gasiin la'
	   2.     Gudo darab la'aaneed
	   3.     Iyo 
	

667 Saddexna Gurigaa ku Naca

	   1.     Kala gur la'aan 
	   2.     Kashkaash la'aan 
	   3.     Iyo ku darid li'I
	

668 Saddexna Adhigaa ku Naca

	   1.     Mus ka tuur
	   2.     Misig ka tantoon
	   3.     Iyo Mooyi meel uu soo gaadhay 
	

669 Saddexna Awrtaa ku Nacda

	   1.     Hogaan gaaban 
	   2.     Hilay gaaban
	   3.     Iyo   Heeryo gaaban
	

670 Saddex Caydh baa leh

	   1.     Taladaadoon la maqlin
	   2.     Tarantaadoon lagu farxin
	   3.     Iyo Tammootidaadoon la tebin
	

671 Afar Murugmaarug baa u danbeeya

	   1.     Mici Adhi oo Misiil weyday
	   2.     Mici Geel oo Mirid weyday
	   3.     Mici Gabaaray Reer mulkiday
	   4.     Iyo Mood Dameero la saaray
	

672 Saddex buu Raggu is dheeryahay

	   1.     Wax Jooga ka Tashigii
	   2.     Wax Tegay ka Samirkii
	   3.     Iyo Wax Soo Socda Garashadii
	

673 Saddex Lalama Rafiiqo

	   1.     Ma Horreeye 
	   2.     Ma Hanbeeye
	   3.     Iyo Ma Hiishe
	

674 Saddex Saddex ma tahay haddayni ahayn maw egtahay

	   1.     Nin Hurdaa Mayd ma yahay 
	                        Haddaanu ahayn maw Egyahay
	   2.     Qaylo Dhiillo ma tahay
	                        Haddaanu ahayn maw Egyahay
	   3.     _
	                        Haddaanu ahayn maw Egyahay
	

675 Labo waa Mahiigaan, Labaa u Maado ah,

	      Labaa ka wanaagsan, Labaysan waxba ugu ool 
	   1.    b  Gudcurku waa mahiigaan, 
	           t   Caddadaa u maado ah
	           j   Maalintaa ka wanaagsan
	           x   Nin baysan waxba ugu ool = (Nin Indha la')
	   2.     b   Abaartu waa mahiigaan, 
	            t   Cawskaa u maado ah
	            j   Dooggaa ka wanaagsan
	          x   Nin baysan waxba ugu ool = (Nimaan xoolo lahayn)
	

676 Saddex, Saddexbaa lagaga Dhergaa

	   1.     Hadal Aamus kaga dhereg
	   2.     Hilbona Biyo kaga dhereg 
	   3.     Iyo Hantina Hoy kaga dhereg 
	

677 Saddex Nin badiyey Saddex la'aan baa leh

	   1.     Hadal Nin badiyay hog la'aan baa leh
	   2.     Hanti Nin badsadayna dhaxal la'aan baa leh 
	   3.     Iyo Guur nin badiyeyna ubad la'aan baa leh
	

678 Saddex lama huree Ilaahow Saddex ha naga gelin

	        1.     Talo xumo lama huree Ilaahow Odayga ha naga gelin
	        2.     Cirweyni lama huree Ilaahow Habarta ha naga gelin
	        3.     Foolxumo lama huree Ilaahow Hablaha ha naga gelin
	

679 Saddex baa Dumarka ugu wanaagsan

	        1.     Midda Aragaaga ku faraxda 
	        2.     Amarkaaga addeecda 
	        3.     Markaad maqan tahayna ku xafidda
	

680 Naago Naag baa ugu xun

	        1.     Kor xun  
	        2.     Kalaan xun
	        3.     Reerkoodana la taal
	

681 Belona Belaa ugu xun

	        1.     Ban ha kaa hesho 
	        2.     Barqo ha ku hesho 
	        3.     Bah la'aanna ha kaa hesho 
	

682 Garna garbaa ugu xun

	        1.     Ha lagaa gardarraado 
	        2.     Garbo la'aanna ha kaa hesho
	        3.     Hana laguu garaabi waayo
	

683 Saddex bay naagtaadu kugu nacdaa

	        1.     Hanti La'aan 
	        2.     Hammad La'aan
	        3.     Iyo Hambo La'aan
	

684 Saddex saddex bay Eedday

	        1.     Xeebi xagaa bay Eedday
	        2.     Xaynina xaas bay Eedday
	        3.     Xiniinina xigaal bay Eedday
	

685 Saddex baa Ragu isku jiidhay

	        1.     Arkayoo Anigaa leh 
	        2.     Idhiyoo loo noqon maayo
	        3.     An wax layma yidhaahdo
	

686 Saddex iyo saddex ma qanciso

	        1.     Nin qosol badan iyo nin qoonsi badan 
	        2.     Nin quud jecel iyo nimaan u quudhin 
	        3.     Nin qabweyn iyo nimaan u qabain