User:Buulofulaay
Degmada BuuloFulaay Waxa ay ku taalaa Gobolka Baay . Waxa ayxuduudo la leedahay.
1.Baydhaba 2.Buurhakaba 3.Diinsoor. 4.kurunwaareey. 5.Qoryooley.
Waxaa ku nool 50kun Qof dad lagu qiyaasay.
Waa degmo kamid ah Degmooyinkii Madaxweyne Cabdullahi yusuf magacaabay 2007kii Waxaa sidookale dib u magacaabay Madaxweyne Sheekh shariif sheekh amxmed.
Waxaa hoos imaada Tuulooyin 123 ah. Waxaa ugu weyn uguna caansan Deegaanka #Burgod oo ah deegaan aad u balaaran ayna hoos imaadaan tuulooyon badan. Doodoole. Quruboow Dag'ari Raamocadeey Balsaarka.
Waa dhul dooyo caro gaduud ah.
Waa dhul daaqsin leh. Geela iyo Ariga ayaa aad ugu badan Inkastoo LO laga helaayo.
Sidoo kale waa dhul beereed Waxaa ka baxa masagada digirta iyo sisinta.
Waxaa Daga Beesha Garre Waxaana u Badan 2dan Beel 1.Daraawe 2.Urdeeq Waxaa sidoo kale daga Kaalhule. Meyd.Muqabule/dhoorow. Abtugay/Al'as iyo jufooyinka kale ee Garre. Waxaa sidoo kale wax ka daga Tuulooyinka hoos imaada Degmada Buulofulaay. Beesha Tunni geelwaay iyo Eelaay/Bohraad.
Degmada waayahan waxa ay sameeyaay horumaro badan xaga ganacsiga iyo isku xirankan degmooyinka kale ee la dariska ah.
Waxaa ugaas Guud ka ah Ugaas Ibraahim Mad Isaaq.
Culimada Deegaanka ee Taarikhda ku leh waxaa ka mid ah Aw Khaadi Aadan Oo ku duugan Tuulada Qurubow oo wax yar u jirta Degmada Buulofulay sanad kasta ayaa meesha lagu xusaa waxa uu ka mid ahaa Aw Khadi Aadan Culimadii Geysay Dariiqada Qaadiriyada ee Sheekh Uweys Al Baraawi iyo Sheekh Cabadulqaadir Jiilaani.
Xiligan Degmada waxaa gacanta ku haya Kooxda Alshabaab.
Waana xarun ka mid ah xarumahooda ugu waaweyn ee Koonfurta soomaaliya ka joogaan.