Jump to content

User:Ahmed Madar

From Wikipedia, the free encyclopedia

Maxaa ka dhexeeya Baaqii Laan-Mulaaxo ee beelaha Habaryoonis 1957kii iyo baaqii Burco ee shareecada 2006.


Q 1aad. Gogol-dhig Gaaban. Taariikhdu iyadaa dib isu soo celisa! waa dhab taasi,bal eeg Waxay ahayd 30kii November 2006 da markii uu soo baxay bayaan uu ku saxeexanyay Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan madar oo kusoo baxay magaca beelaha Habaryoonis laguna sheegay inay beeshu isla qaadatay inay dhexdeeda ku kala garnaqsato shareecada islaamka. 20kii June 1957kii oo laga joogo (50) sano iyo (5)bilood taariikhda uusoo baxay baaqan dambe, ayaa waxaa kasoo baxay deegaanka laan-mulaaxo ee gobolka togdheer bayaan ay soo saareen beelaha kor kuxusani oo ay ku cadeeyeen in ay kasaarayaan xeerkooda wixii sharciga ka hor imanaya isalamarkaana ka xeer dhigteen shareecada islaamka. sidoo kale waxay beelaha kalena ugu baaqeen inay sidan oo kale yeelaan. haddaynu dib u raacno raadka taariikhda waxaa muddo yar ka hor lagu dhawaaqay 30kii march 1957 ururkii Xisbullah. Ururkaas oo uu aasaaskiisa lahaa Sayid Axmed Sh.muuse(AL- Azhari ) iyo Rag kale oo ka mid ahaa waxgaradkii , culimadii-diinta ee degaanka Burco iyo madaxdii S.N.L. Waxaynu taxanahan isku dayi doonaa inaynu kaga jawaabno suaalahan: Maxaa loo aasaasay xibullah?maxay ku kala duwanyiin xisbullahiga lubnaan?yaa aasaasay? ujeedadee loo aasaasay? qaabkeebuu u hawlgalay? ma urur beeleed buu ahaa?muxuu guulo soo hooyay?halkee buu se ku dambeeyay? Maxaa ka dhexeeya baaqan dambe? baaqan dambe Qaranka Somaliland ma anfici doonaa siduu u anfacay kii 1957kii? Raga culimada ah ee soo abaabulay baqani ma yihiin rag maal iyo naf-huris le sidii ragii waagaa hore?sidee buu ku noqon karaa mid hanaqaada hirgalka baaqani? Haddaba , waxa hubaal ah , in qof kasta oo dhagihiisa uu kusoo dhaco magaca ururkii Xisbullaahigii S/land ,inuu xasuusanayo isla markaaba Sayid Axmed Sh.muuse cabdi. Haddaba si aynu wax uga xusno Xisbullaah , wuxuu qalinku inala sii jiidhayaa inaynu wax ka nidhaahno , Shakhsi taariikhiya oo talaabooyinkuu qaaday raad wayn ku yeelatay guud ahaan dhulka soomaalidu degto . Waa shaqsi noqday qofkii ugu horreeyay qof Soomaali ah :- · Ee dumiyay derbigii uu Ingiriisku kala dhex dhigay dadka S/land iyo dalka Masar , oo xilligaasna baahi waxbarasho iyo mid siyaasadeedba loo qabay xidhiidhkiisa . · Ee horseedka u noqday inay dhulka S/land ku baahdo gaar ahaan meelaha Oomanaha ah farsamada Baraagaha la qoto ee sibidhka ah . · Ee xafiis ka fura dalka Masar , si uu halkaa uga fulliyo danaha Ururada xornimo-doonka ahaa ee xilligii gumaystaha ,isla markaana tabantaabiya ardayda soomaaliyeed guud ahaan ,waxbarashada utegayay Masar Ee ka diga olole weyna ku qaaday kana soo horjeestay xeer-beeleedyada xun xun ee shareecada iyo caqliga ka hor imanaya . · Ee ku baaqa aasaaska Urur la dagaalama qabyaaladda iyo xeerka xun , islamarkaana amniga iyo nabadaynta u hawlgala . · Islamarkaana furay 1951kii xidhiidhka ganacsi ee S/land iyo Masar udhexeeyay kaasoo xidhmay 1884kii . Waxyaabahaas iyo kuwo kaleba oo aynaan halkan kusoo koobi Karin ayuu shaqsigaasi u ahaa markasta hormuud . Waa shaqsi lays waydiin jiray :- Ma wuxuu ahaa ganacsade ,siyaasi , mise danjire , mise kormeere ardayda soomaalida ah ee dalka Masar ,mise Sheekh .


Sida uu kaga jawaabay su'aalahan,sheekha qudhiisu gaar ahaan buuga uu isagu qoray (oo runtii ah ka aan badiba il ahaan kasoo xigtay xogahan) waxa uu yidhi :- ( waxaa dhacaysay inaan shaqo ganacsi galo , xoogaygana maalo , iyadoo ganacsigu xirfadayda ahayn ,. Balse si aan ugaga Dhawrsanaado wax waydiisiga dadka . su'aalaaha kalena sidaas oo kale ayuu kaga jawaabay , isagoo mid walba ku sababeynaya duruuftii taagnayd . marka laga reebo ta sheekhnimada oo uu sheegay inaanu odhan Karin ma ihi isagoo sheegay inuu korka ka hayo kitaabka alle 2ba shahaadana ka sito kulliyadda Shareecada ee AZHAR . haddaynu intaas ku dhaafno jawaabta Sayid Axmed ,.

Bal aynu eegno taariikh nololeedkii sheekha

· Sayid-Axmed Sh. Muuse Cabdi, wuxuu kudhashay tuulada XAAXI oo ku taala duleedk magaalada Odwayne ee gobolka togdheer. · Halkaasna wuxuu ku dhamaystay malcaamad quraantii (macalin Yuusuf) · Kadib wuxuu uga gudbay malcaamadii (macalin cawad) oo aha macalin carab ah kaas oo dhigi jiray afka carabiga. · Kadib wuxuu goob ganacsi ka furtay magaalada berbera mudo kadibna waxaa dhacay dagaalkii 2aad ee dunida xiligaas oo ingiriis iyo talyaani ku dagaalameen magaalda berbera. · Kadib markuu ingiriisku dib uqabsaday ayay isaga iyo walaalkii cabdalle ay ka furteen xarun ganacsi Oo jumlad le ah iyadoo uu sayid axmed tagay Cadan halkaasna alaabta kasoo diri jiray waxbarashana u joogay. · 1946 ayuu bilaabay sayidku inuu la dagaalamo xeerarka xun iyo qabyaaladda . isla sanadkaa wuxuu magaalada Sheekh wuxuu kula kulmay Mr:Bill oo ahaa maamulihii waxbarashada maxmiyadda S/land , isagoo waydiistay inuu ka caawiyo Dalkugal ka Masar (visa) si uu halkaas waxbarasho sare ugu soo qaato ,balse arintaas waxaa diiday badhasaabkii guud ee S/land . Kadib, wuxuu safar ku tegay Cadan , si uu Azharka visa uga helo , balse faro madhan ayuu kala soo noqday . 1seb,1948 , wuxuu galay safarkiisii dheeraa ee dhibta lahaa kaasoo uu ka bilaabay S/land ka dibna xagga Suudaan ayuu ka galay Masar dalkugal la'aan (visa). · Dhamaadkii Oct ,1948 ,ayuu gaadhay caasimadda Qaahira ee Masar ,halkaas oo rafaad kadib uu galay jaamacadda AL-AZHAR. · 1954, wuxuu fasax kusoo noqday dalka gaar ahaan Degmada Oodweyne , ka dibna markuu shahaado sare kasoo qaatay Kulliyadda shareecada . intii aanu dhamaan fasaxiisuna wuxuu shir isugu yeedhay Hogaamiyeyaashii ,Culimadii , iyo madax-dhaqameedkii ardaayadii Beesha Deegaanka ,wuxuuna ku qanciyay inay baabiiyaan xeerarka xunxun .

30 Oct ,1954 ,wuxuu la kulmay Badhasaabkii Ingiriiska ee Burco Mr. Wilson isagoo usheegaya go'aankii Shirka Oodweyne kaas oo Nuxurkiisu ahaa inay faraha kala baxeen beel ahaan xeerkii xumaa ee ku dhisnaa ugu aaridda iyo qabyaaladda . balse taas wuu ka diiday Mr: Wilson isagoo sabab uga dhigay inay tahay dhaqan soo jireena ,oo dhayal loo joojin Karin .

1948, ka hor intaanuu usafrin Masar , wuxuu Sayid Axmed Sh.muuse (A.H.N) qoday Berkeddii ugu horaysay ee casriya oo ku taala meel Oomane ah , kana fog dhul-biyoodka , iyadoo biyaha lagu dhisayna looga keeni jiray meel u jirta 70 km, Berkadaasina waxay kutaal Magaalada Gudubi ee gobolka Togdheer. Sidaasna uu ku noqday Ninkii ugu horeeyay ee Berked sibidha sameeya , kana qoda meel sidaasa ,taasina waxay horseeday inay farsamada Baraagtu ku faafto dhamaan S/land . (waxaa xusid mudan siduu sheekhuba ku sheegay buuga uu qoray ee Xisbullah in ay uga horeeyeen walaalkii cabdalle iyo saaxiibkii cabdi sh. cismaan nuur fikradan balse ay kala duwanaayeen oo ta cabdallena ay ku taalay magaalo biyo leh oo ah deegaanka odwayne ta cabdi sh. cismaana markiiba biyihii cabtay gaarna uu isticmaali jiray kaligii) · 1954-1956 , wuxuu Azhar ka qaatay shahaadada loo yaqaan (Caalamiyya) ,isagoo ku darsaday ogolaanshaha garsoorenimada shareecada .(Al-Qaddaa) · 1949,wuxuu bilaabay ololle uu ku raadinayo inuu furto ganacsiga Masar iyo S/land . · October ,1951, wuxuu dalka Masar udiray shixnaddii ugu horeysay ee xoolo-nool ah , gaar ahaan Geela iyo Lo'da , isagoo la kaashaday walaaladii iyo saxiibadii oo dalka S/land ku sugnaa ,xilligaas oo haba yaraatee ayna jirin wax xidhiidh dhaqaale ah oo udhexeeyay S/land iyo Masar . halkaasna wuxuu ka soo furay Albaabkii ganacsia labada Gobol oo xidhnaa tan iyo 1884,kaas oo uu awday Gummaysiga Ingiriisku . · 1946-1957, wuxuu galay Afar (4) dooddood / Garnaqsi oo dhexmaray isaga iyo maamulihii Ingiriiska ee S/land . · 30 march,1957, Sayid-Axmed Sh.muuse wuxuu hormood ka ahaa aasaaskii Xisbullaahigii S/land iyadoo lagu dhisay magaalada Burco . · 20 june,1957,waxaa magaalada Laan-mulaaxo ku qabsoomay Shirweyne ay ku kulmeen wafdi Xisbullah ah oo uu hogaaminayay Sayid-Axmed Sh.muuse iyo Beelaha Habaryoonis. Shirkaas oo ahaa talaabadii ugu horaysay ee Xisbullaah taas oo hordhac u ahayd Shirar isdaba socda oo Xisbullaah la yeelanayay Beelaha Somaliland iyo Beelihii kale ee soomaalida geeska. · 26 Nov,1957, wuxuu ka qayb galay Shirweynihii 2aad ee Xisbullaah , kaas oo ku qabsoomay isaguna magaalada Laan-mulaaxo. · April 1958- March 1960,intii ka dhaxaysay ayuu dalka mastaafuris kaga maqnaa kadib markuu maamulkii Ingiriiska Ee S/land u arkay in Sheekhu halis ku yahay danaha Ingiriiska . Markii taasi dhacdayna , iskama fadhiisan dalkii uu joogay markaas oo ahaa Masar ee wuxuu isku dhaffay Hawlo dhawr ah oo ahaa , Siyaasad , Ganacsi / Xoogsasho,wacyigali n uu kasoo jeedin jiray idaacada SAWTUL CARAB iyo tabantaabinta ardayda soomaalida ee xilligaas wax-barashada ujoogtay amma u immanaysay Masar. · 1973kii ayuu ka kacay masaajidkii sh.cali suufi ee muqdisho isagoo ku dhaliilay maamulkii siyaad bare habkuu dalka umaamulay.kadibna waxaa loosoo sheegay in amar lagu bixiyay xadhigiisa sidaas ayaanu dalka uga baxay isagoo masar tagay. · 1980kii ayuu ku geeriyooday dalka masar laguna aasay magaalada qaahira alle haw naxariisto isaga iyo intii dalka wanaagiisa usoo dagaalantay. bal intaa aan ku joojino qeexidii iyo faaladii kumuu ahaa siyid-axmed waayo maqaalkan kuma soo wada koobi karno balse si aynu wax uga fahano taxanahan ayaynu usoo qaadanay.


Ujeedooyinkii xisbullaahigii S/land. Xisbullaahigii S/land wuxuu lahaa ujeedooyin cad cad oon cidna ka dahsoonayn , Ujeedooyinkaas oo uu had iyo jeer ku hawl gali jiray dadkana usoo bandhigi jiray ,hadaynu kusoo durugno ujeedooyinkaasi waxay ahaayeen :-

1: Utafaxaydashada sugidda Ammaanka , Dib-uheshiisiinta iyo Dabar-goynta xeerka kiisa xun.(ku dhaqanka shareecada)

2.Uhawl-galida dhawrida deegaanka iyo badbaadinta dhirta iyo daaqa iyo ka hortaga dugaaga cuna xoolaha nool. 3: Ku faafinta waxbarashada Aasaasiga ah , Miyiga iyo Tuulooyinka ka fog magaalooyinka ,gaar ahaan waxbarashada Diiniga ah . Xisbullaahigii S/land , wuxuu (wasaa'il) amma Dhabbayaal uu umaro ujeedooyinka kor ku xusan ka dhigtay todoba (7) aayadood oo qur'aanka kariimka ah ,. Kuwaas oo macnahay xambaarsanyihiina noqonayo :- 1:- Qabsada xadhiga Alleh Dhamaantiin, hana kala tegina . 2: Isu kaashada wanaaga iyo Alle-ka cabsiga , haysuna kaashanina Dulmiga iyo cadaawadda . 3: Qofkii qof dila isagoon qofkaasina naf goyn , ama aan Dhulka fasahaadin , waxay lamid tahay iyadoo uu dhamaan dadka laayay , qofkii naf badbaadiyana uu la mid yahay isagoo dhammaan Dadka badbaadiyay . 4: Hays khilaafina yeydaan fashilmine, oo aanay lumin Awoodiinuye , sabirna ogaada , Alleh wuxuu lajiraa kuwa sabree . 5: Shaqeeya (camal-fiican ) Allah iyo Rasuulkiisu iyo Muuminiintuba way arki doonaan shaqadiina . 6: Alleh ma badalo qolo ilaa ay badalaan waxay ku Dhexjiraan . 7: Mu'miniintu waa walaalo , ee wanaag dhex dhiga walaalihiin .

Sidoo kale Xisbullaah wuxuu halku-dhig ka Dhigtay Aayada kale ee macnaheedu yahay :- (( Nebi Allaw heli maysid qollo Alle rumaynaysa iyo maalinta Aakhiro, oo haddana kalgacal uqaba kuwa Allah iyo Rasuulkiisa colaadiyay )) Shuruudaha xubin-nimada Xisbullaah. 1:- Waa in ay xubintu u hogaansanto xeerarka , Aayadaha iyo Axaadiista kor ku xusan , gaar ahaan kuwa Qisaasta (xeerka-ciqaabta ). 2:- Waa in xubintu ku dhaarataa Allaha weyn (S.W.T) in aanuu Naf dulmi udillayn, cadaawadna wax u dhacayn , uguna gargaarayn qof dulmi falle ah dulmigiisa iyo inuu xaqa ugargaaro, Baadilkana la dagaalamo . 3:- Inuu ka baxo xeerka kiisa xun ee shareecada islaamka ka hor imanaya , islamarkaana aanuu Beeshiisa gardaro ku garab istaagin . Waa in xubintu ku dhaarato Allah inuu daacad unoqonayo , Diintiisa , Dalka , iyo Mabaadida xisbiga ,islamarkaana cidna aanu uga habran xaqa.

Maxaa ka dhexeeya Baaqii Laan-Mulaaxo ee beelaha HabarYoonis 1957kii iyo baaqii Burco ee shareecada 2006. Q2aad. By: Axmed Xirsi


Waxa muddan in aynu xusno in Xisbullah markii ugu horeysay 30 march 1957 lagaga dhawaaqay xaruntii xisbiga SNL ee magaalada burco ee gobolka Togdheer. Waxaa ka mid ahaa ragii la aasaasay sayid ka madax-dhaqameedyo,culimo iyo waxgarad kale, oo dhamaan isugu jiray badiba beelaha Somaliland:Ceerigaabo,Laascaanood,Burco,berbera iyo Hargaysa marka laga reebo Degmada Boorame oon ergo ka joogin maalintaa. waxaa ka mid ahaa ragaa: sheekh maxamed cismaan, sheekh xasan geele, sheekh maxamuud cumar, xaaji siciid cabdi, xaaji cali siciid, xaaji jaamac maxamed iyo xaaji abokor faarax. Arrin yaab iyo xiisaba leh bal aynu iyadana xusno. sida uu Sayid Axmed sheekh muuse (AHN) ku xusay buuga uu qoray ee (Xisbullah Wa, Xisbu Shaydaan): Markii laga doodayay magaca ku haboon ee loo bixin doono ururka ayaa ayaa xubnaha qaar waxay soo jeediyeen in loo bixiyo Ururka Culimada Wacdiga iyo Dib-u-heshiisiinta rag kalena waxay soo jeediyeen magacyo kale. ((Markay halkaa marayso ayaa waxaa kusoo dhacay maskaxdayda qawlkii alle SWT waar hooyaay xisbiga alle waa kuwa liibaanay.

islamarkiiba waan usoo bandhigay anoo leh bal kawarama haddaynu ku magacawno XISBULLAH, dhamaana sidaas bay isku raaceen iyagoo leh Allah ayaa ku waafajiyay)) Sayid-Axmed sheekh. Tallaabadii ugu horeysay ee uu qaaday xisbullah waxay ahayd ka qayb galkii shirkii laan-mullaaxo. Xisbullah ma ahayn xisbi beeleed sida ka muuqata aasaaskiisii hore balse wuxuu isku taxalujiyay ingiriisku inuu mariyo suuqana u galiyo midab beeleed.
Kama dambaystii wuxuu si xoogan uga hawl galay deegaanada miyiga gaar ahaan Deegaanka Habaryoonis. Sayidka waxaa u fududaatay inuu uga faa iideeyo xisbullah aqoontii iyo xidhiidhkii dhawaa ee uu  beesha la lahaa maadaama oo  uu ka dhashay gaar ahaan beesha Baho-Ismaciil/HabarYoonis. 

Suaasha ah maxay ku kala duwan yiin xisbullaahiga lubnaan waxaynu leenay xisbullahiga lubnaan waxaa la aasaasay 1982 markii ay Isarail kuso duushay Lubnaan, waana xisbi shiico ah oo ay Iran si xoogan u taageerto. Xibullahiga Somaliland wuxuu ahaa Sunni la jaan qaaday baahidii ugu weyneyd ee xilligaas oo ahayd amni iyo midnimo.

Haddaba, xisbullah wuxuu horumar weyn ku sameeyay mudo gaaban gaar ahaan 30bilood. iyadoo kahor hawlgalkii Xisbullah ay jirtay xaalad colaadeed oo dagaalada iyo gaadmooyinka dhex marayay beeluha ay ahaayeen kuwo kaltan ah gaar ahaan xilliyada Gu ga iyo Dayrta oo roobabku aad u da aan kaymuhuna roobanyihin. waxaana la daadin jiray dhiigbadan oon waxba galabsan,argagaxa iyo cabsiduna waxay ahaayeen kuwo ku lamaan ninka soomaaliga reermiyiga ah meelkasta oo uu joogo habeen iyo dharaarba. midnimo la aan iyo qabyaalad kala dhextaal beelaha.
Iyadoo aysidaa ahayd ayaa fadliga alle iyo dadaalkii ay sameeyeen taageerayaashii Xisbullah waxay noqotay in la helay amaan iyo nabad galyo buuxda,walaaltinnimo 

Iyo kal baxnaan. waxaa horumar laga gaadhay dhinaca waxbarashada diiniga ah waxaa koray wacyigii dadweynaha kadibna ku hammiyay midnimo iyo wax wada qabsi. Waxaa wada dagay beelo aan is bixin jirin waxaana wada daaqay xoolo aan is ur aqoon. waxaa kobcay ganacsigii iyo wax isku doorsigii beelaha somaliland iyo beelaha kale ee ay ood wadaagta yihiin gaar ahaan somaalida itoobiya. Guud ahaan waxaa qarsoomay gacan ka hadalkii iyo gulufkii beelaha. taasina waxay fududaysay inay dadku iska kaashadaan sidii gumaystihii ingiriiska iska kicin lahaayeen taas oo ku xidhnayd midnimo marka hore dhexdooda ka timaada. sidaas ayuu guud ahaan geyigu ku gaadhay xasilooni iyo amaan aanu gaadhin aragna intuu jiray taariikhda la ogyay. waxaa qorsoomay dhamaan dhicii,boobkii iyo waxkastoo nabadgelyo daro muujinaya. XISBULLAH: sidaas ayuu ku gaadhay haddafkiisii koowaad oo ahaa soo celinta nabada iyo xasiloonida iyadoo loo marayo jidka shareecada islaamka. kadibna la hanto xorriyad buuxda iyo madaxbanaani laga helo gumaystihii dhulka haystay. Hogaanka sare ee Xisbullah waxay wacad iskula qaateen inay waxay qabanayaan dar alle u niyaystaan kaliyana allah kasugaan abaal-gudka iyo ajarka.

Sidaas baanaay ku galbadeen kuna hoydeen.midba meel lagu aasayba waxaana ilaa hadda nool qaar ka mida hormoodkii iyo xubnii Xisbullah balse waayeel ah. Halkan markaynu marayno waxaynu soo gaadhnay qaaybtii gabogabada taxanahan. maxaa ka dhexeeya labadan baaq waa kii 1957 iyo kan dambe ee 2006 waa mudo 50 konton sano kor u dhaafaysa balse gobolka iyo beeshu waa isla kuwii uun. waxaynu odhan karnaa tirada qodobadu waa isla tiradii hore oo dhan afar qodob. Baaqii hore wuxuu ka koobnaa afar qodab waxaanay kala ahaayeen sida tan: 

QODOBADII BAAQII LAAN-MULAAXO 1957KII Taariikh: 22june 1957 ML/ 24 Dul Qicda 1376 HJ Laan mulaaxo. Wuxuu soo saaray shirweynihii ku qabsoomay laan mulaaxo oo ay go aan ku gaadheen Beelaha Habaryoonis:

1. In la tuuray hannaanka xeerka xun ee ka hor imanaya Shareecada islaamka  islamarkaana uu diidayo caqliga fayoobi.
2. In aanay isugu gurman xaqdaro iyo caddaawad sidoo kale in aanay dambiilaha ku dhiiri galin dambi oo aanay magan galin dhagar-qabe, nin dulmi falayna ugu kaalmayn dulmi. 

3. In aanay dhibin walaalahooda muslimiinta ah oo aanay ku duulin ama weerarin beelaha kale . 4. Ugu dambayn, in loosoo jeesto Shareecada oo la qaato mabda´ a Qisaasta (Xeerka Ciqaabta) sida ay dhigayso Shareecada islaamku, (Sida nafta,maalka taas oo macnaheedu uu yahay, qofkii qof ku dila badheedh xaqdaro ah, waa loo dilayaa isagana. Sidoo kale qofkii ku xad-gudba ee dhaca ama booba, kaligii ayaa mag-dhabaya ciqaabtuna ku koobantay. Gebogebadii shirkaa Laan-Mulaaxo ee baaqaasi kasoo baxay waxaa lagu magacaabay 40 xubnood oo ka hawlgala dhaqan gelinta baaqan.

Bal haddaba aynu eegno baaqan dambe oo soo baxay 50 sano iyo 5 bilood mudo ku siman.


Baaqa Beelaha Habaryoonis ee ku dhanqanka shareecada islaamka Burco. “Maanta oo ay taariikhdu tahay 30/11/2006, waxaa magaalada Burco ku qabsoomay shir si weyn ay uga soo qayb galeen wax-garad kala duwan oo ka tirsan beesha Habar yoonin , shirkaas oo ay si wada jir ah u qabteen Suldaanka Guud ee Beelaha Habar Yoonis Suldaan Cisaam Suldaan Cali iyo Culimada Beesha .Shirkaas oo ay ka soo qayb galeen In ka badan 250 xubnood , oo isugu jira Cuqaal , ganacsato , Culimo , iyo Waxgarad kale. Shirkaas oo lagu lafa gurayey Ajande qudha, oo ah in laga wada tashado sidii beeshu ay u dhaqan gelin lahayd Shareecada Islaamka , taas oo loola jeedo in Beeshu Umuureheeda ku salayso ama ku nidaamiso shareecada Islaamka , iyo sidii ay beeshu ugula dhaqmi lahayd beelaha kale ee walaalohood si waafaqsan shareecada Islaamka . . Haddaba dood dheer iyo falanqayn ka dib , waxa Beeshu go’aansatay qodobadan hoos ku qoran:

1. . In Beesha Habar Yoonis ay si dhab ah ugu dhaqanto shareecada Islaamka, taaas oo loola jeedo in arimaha beesha lagu nidaamiyo si waafaqsan shereecada islaamka .


2. Si loo suurto geliyo ku dhaqanka shareecada islaamka waxay beeshu samaysatay Gole cusub oo loo igmaday hawl galada taabo gelinta ku dhaqanka shareecada islaamka . Golahaas oo loo bixiyey Golaha dhaqan gelinta shareecada islaamka ee Beesha Habar Yoonis. Isla makaana ay tiradiisu dhantahay 71 xubnood oo isugu jira culumo, ganacsato, cuqaal iyo oday dhaqameedyo.


3. sidaas oo kale waxa ay beeshu ugu baaqaysaa Xukuumadda Somaliland dhaqangelinta shareecada islaamka.


4. ugu danbayna waxa beeshu ugu baaqaysaa beelaha kale ee reer Somaliland inay qaataan talabadan oo kale.


Waxaan u dhaafayaa akhristaha is garab dhiga (isirwaynaha ay wadaagaan) labadan baaq. Balse si guud ahaan waxaa inoo muuqata inay nuxurka wadaagaan.


Gebo-gebo.

Ugu dambayntii, waxaan kusoo gabagabayn lahaa dhawr qodob oo isugu jira talo-soo jeedin iyo hogo-tusaalayn.

Marka hore iyadoo aynaan odhan Karin ragii hore iyo raga dambe waa isku mid dhinacyo dhawra awgeed. Oon ragii hore raga dambe la mid ahayn.

Waxaa mudan in ay xusuustaan raga baaqan dambe hornuudka ka ah gaar ahaan culimada iyo dhalin yarada.

Waa tan hore, jawigan iyo xilligan aynu joognaa lama mid ah waagii hore iyo xaaladii dadka iyo dalku ku jiray maalintii la gu dhawaaqayay baaqii hore ee Laan-Mulaaxo.

Malintaa waxaa jirtay bisayl aad iyo aad uga roon heerka maanta dadkeenu ku jiraan. Waxa jiray waagaas gummayste gaal ah oo haystay dalka.

Waxaa jiray siday nu kor kusoo xusnay nabad galyo daro baahsan iyo colaado beeleed. Mana ay jirin dawlad dalka ka jirta iskaba daaye dawlad Somali leeday ayaan ifka jirinba.

Maanta dhawr arimood oo xaaladani kaga duwantay ayaa jira. Waxaa jira dawlad shicibka soomaaliland dhisteen habba noqdo hogaamiye yaasheedo kuwo lagu hungoobay oo adhaxda lagaga jabaye.

Waxaa jira distoor qaran oo saamaxaya xirgalinta shareecada islaamka islamarkaana caddaynaya in sharci kastoo ka hor imanaya shareecadu uu yahay waxba kama jiraan.

Haddaba waxaan odhan lahaa, marka koobaad dawladu arintan yaanay u arkin qaran dumis iyo gacan shisheeye. Waayo haddii ay jiraan waxyaabo u dahsoon hogaanka baaqa burco eek u dhaqanka shareecada, dee dawladu waxay leedahay hay ado u qaabilsan xuuraamida iyo soo xaqiijinta arimahaas oo kale.

Iyadoo arintaasna dawlada lagu xanto inay tahay takhasuska ugu way nee ay khibrada uleeyihiin badiba madaxda dawlada Somaliland ee xilligani.

Hana ogaato dawladu inay hawshan iyada gabtay waajib rabaaniyana ay ahayd dadkuna u ig maday.

Islamarkaana dawlada habdhaqan keeda aad loo saluugsanyay iyo waxqabadkeeda.

Qodabka ugu dambeeya ee aan usoo jeedinayo madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin waxa weeye mudane madaxweyne waxaad uga hawlgashaa si fiican oo daacadnimo iyo hawlkarnimo ku dheehantay sidii aad arinta dhaqan galinta shareecada islaamka aad ugu samayn lahayd agaasimid iyo taabo galin. Madaxweyne sidaad horeba ugu balan qaadday dhaqan galinta shareecada waa inaad si cilmiyaysan oo loo dhanyay adigoo la tashanaya culimada iyo madaxdhaqameedka somalinad aad si dhaqso ah hay ada GARSOORKA dawalada uga dhaqan galisaa shareecada islaamka.

Waxaynu ognay inu jiray imikana jiro xeerka caanka ah ee XEER-CIISE oo ilaa hadda dawlada jabuuti aany maxkamadeedu ariha gar naqsiga soo galin inta badan ilaa xeer beeleedka lagu soo kala bixi waayo. Sidaasna ay isku waafajiyeen labadiiba.

Waxa intaas ii raaca oon leeyay marka hore Suldaan cismaan suldaan cali madar waad ku mahadsantay inaad ku baaqdo in beesha iyo dawladuba ka xeer dhigtaan shareecada islaamka.

Waxaana wax laga xumaado ah xidhiga afduubka laguu geeystay maadama oon sharciga la waafajin xadhigaagii iyo sii dayntaadiiba.

Waxaanay ahayd arin meel ka dhac ku ahayd sharaftaada iyo dhaqanka suubanba.

Inkastoo arimaha shareecada aanan takhasus u lahayn haddana waxay ila tahay wixii farsamo ah inaan taladan idiin soo jeediyo:

Maadaama xaalada taagan (ardul waaqic) ka duwantay tii 1957kii waxaan idin leeyay waa inaad ka hawlgasheen:

Tifa tirida iyo waafajinta shareecada islaamka, xeerarka beesha gudaheeda laga soo bilaabo xeerkii suldaan diiriye iyo wixii ka dambeeyay. Dajinta xeer hoosaad guud oo beeshu ka midaysan tay, waafaqsana shareecada islaamka iyadoo lala kaashanayo cuqaasha iyo guurtida beesha. Sammaynta gole culimo oo ka kooban 18 xubnood kana soo jeeda 18ka ardaa ee beesha. Kuwaas oo si joogta ah uga hawlgala arimaha dhaqan galinta shareecada. Baahinta waxbarashada diiniga ah iyo tan maadiga ahba gaar ahaan deegaanada miyiga. In aad sii wadaan idinkoo la kaashanaya beelaha kale ee Somaliland sidii aad cullays dawlada Somaliland ugu saari lahaydeen ka dhaqangalinta shareecada islaamka HAY´DA GARSOORKA DAWLADA. Oo ah tan ugu wayn looga jeedo ku dhaqanka shareecada islaamka waayo qaybaha kale ee diinta waa mid horeba usoo jirtay oo dadku waa islaam qarniyana wuu soo aha muslim waanuu ahaan doonaa.

WAXAAN UGU DAMBAYN KA RAALI GALINAYAA IN AANAN WAKHTI FIICAN U HELIN TAXANAHAN ,AKHRISTE YAAL FARA BADAN OO HORE IIGA SOO DALBAY INAAN ARINTAN WAX KA QORO MAADAAMA AY IGU TUHMAYEEN INAAN HAYO TAARIIKH IYO XOGO HORE OO LA XIDHIIDHA ARINTAN.

(DHAMAAD)