User:Adam.haibe
haayadda GAVO
[edit]GAVO waa eray loo soo gaabiyay (General Assistance and Volunteer Organisation), taas oo ah urur dhalinyaro oo aan dawli ahayn, Hay'ad samafal oo aan faa'iido doon ahayn oo fadhigeedu yahay Hargeysa,Berbera iyo Burco, waxaana la aasaasay 1993, ka dib muddo dheer oo khilaaf bulsho iyo xasilooni darro siyaasadeed ka jirtay Somaliland.
GAVO waxa ay awoodda saartaa yaraynta istareeska, saboolnimada iyo xoojinta hababka dhibaatooyinka looga baaqsan karo guud ahaan somaliland.
ujeedkayagu waa in aan u fududeyno dhalinyarada-lab iyo dhedig ba xuquuq siman, kana baxsan diwaanka qabiilka iyadoo la xoojinayo howlaha iskaa wax u qabso ah ee loogu talagalay wanaajinta tayada nolosha bulshada, lagana bilaabayo labada qaybood ee bulshada ugu nugul oo ah dadka naafada ah iyo caruurta darbijiifka ah.
Saamaynta togan ee ururkani waa mid si weyn loo dareemay isla markaana si mug leh loogu qadariyo bulshada dhexdeeda, waxaana ay kordhisay GAVO aagageedda howlgalka iyo howlaheeda ku wajahan dadka mudnaanta yar (less privileged) ee aan muhiimada la siin.
1- markii hore waxqabadka GAVO waxa uu ku koobnaa daryeelka dadka maskaxda naafada ka ah oo kaliya iyadoo sabab uga dhigaysay in
dagaaladii ka dhacay deegaanada soomaalida 1988 , 1991, 1994 [4][5] ay kaga tageen bulshada raadad xanuun oo baaxad leh, dad badan ayaa ku naf waayay,halka kuwo kale ay la noolyihiin xanuuno maskaxeed oo joogto ah, iskahorimaadka dheer awgiina waxa batay dad aad u tiro badan oo la kulma dhaawacyo dagaal oo u baahan fiiro gaar ah ,Doodda GAVO iyo waxqabadyada ku xeeran 'trauma war' waxay xidhiidh la lahaayeen raadadkii uu ka tagay dagaalku.
waxaana baahidaa caddayn u ah korodhka tirada dadka xanuunada dhimirka qaba ee daryeelka caafimaad ee aan helin goobo lagula tacaalo ama miciin biday goobo aan sax ahayn,xanuunka hayana aan waxba ka dawayn karin.
dacayaa bulsheed ee ka dhan ah dadka xanuunada dhimirka qaba ayaana ah arrinta GAVO kicisay.
2- Arrimaha caafimaadka dhimirka ka sakow, GAVO waxa kale oo ay ka shaqaysaa dhinacyo kale , iyadoo dejisay istaraatiijiyad abaabul oo dhammaystiran iskuna dhafan. Istaraatiijiyaddeedii shanta sano ahayd ee ugu horreysay waxay haayaddu ka bilawday 2005 iyo dhammaadka 2010, waxaana ay awoodda ku saaraysay dhinacyo kala duwan oo horumarineed iyadoo la raacayo hababkan soo socda :
- xoojinta mashaariicda iskaa wax u qabso ah ee bulshada loogu adeegayo .
- Kordhinta tabaruca bulsheed .
- Abuuritaanka wada lahaanshiyaha bulsheed iyo isku-kalsoonaanta (ururinta lacagta deegaanka lagu hormarinayo)
- U doodid iyo u ololeynta dadka dhibban
Habka horumarinta bulshada:
[edit]- In la yareeyo baahiyaha iyo nuglaanshiyaha bulsheed iyadoo dadka laga caawinayo bulsho ahaan iyo dhaqaale ahaanba sidii ay naftooda u caawin lahaayeen.
Habka horumarinta ururada :
[edit]- In kor loo qaado khibradda abaabul iyo urur
ilaalinta qiyamka iyo xeerarka urur si loosoo saaro waxqabad tayo fiican.
Marka laga soo tago waddooyinka kor ku xusan ee ay GAVO u martay xaqiijinta horumarka bulsheed waxa kale oo ay ku caddaysay qorshaheeda istaraatijiyadeed dhinacyada ay awoodda saarayso oo kala ah .
Awood dhisidda
[edit]Horumarinta haweenka iyo dhalinyarada.
[edit]baraha lagala xidhidhi karo GAVO
[edit]facebook : https://www.facebook.com/GAVOOrganization/
twitter : https://twitter.com/gavoassistance?s=09
- ^ ":: GENERAL ASSISTANCE AND VOLUNTEER ORGANIZATION (GAVO) ::". www.gavosoma.org. Retrieved 2021-06-30.
- ^ ":: GENERAL ASSISTANCE AND VOLUNTEER ORGANIZATION (GAVO) ::". www.gavosoma.org. Retrieved 2021-06-30.
- ^ ":: GENERAL ASSISTANCE AND VOLUNTEER ORGANIZATION (GAVO) ::". www.gavosoma.org. Retrieved 2021-06-30.
- ^ "Somali Civil War", Wikipedia, 2021-06-29, retrieved 2021-06-30
- ^ "Somalia - Civil war". Encyclopedia Britannica. Retrieved 2021-06-30.
- ^ ":: GENERAL ASSISTANCE AND VOLUNTEER ORGANIZATION (GAVO) ::". www.gavosoma.org. Retrieved 2021-06-30.
- ^ ":: GENERAL ASSISTANCE AND VOLUNTEER ORGANIZATION (GAVO) ::". www.gavosoma.org. Retrieved 2021-06-30.
- ^ ":: GENERAL ASSISTANCE AND VOLUNTEER ORGANIZATION (GAVO) ::". www.gavosoma.org. Retrieved 2021-06-30.