Jump to content

Template:Article templates/Writer

From Wikipedia, the free encyclopedia
Writer

Writer is…

Early life

[edit]

Cabdulqaadir Cismaan Maxamuud 'Aroma'

Career

[edit]

Cabdiqaadir Cismaan Maxamuud ‘Cabdiqaadir Aroma' waxa uu ku dhashay magaalada Dusmo reeb, xarunta gobolka Galguduud, ee degaanka Gobollada Dhexe ee bartamaha Soomaaliya. Waxa uu dhashay bartamaha boqolleydii sagaal iyo tobnaad, gugu marka uu ahaa 1953. Hooyadii oo eeddo u ahayd danjire Axmad Cabdisalaan waxa ay geeriyootay asaga oo yar, markaa ka dib ayuu u wareegay magaalada Muqdisho, oo uu yimid isaga oo kow iyo toban gu' jir ah.

Imaatinkiisa Muqdisho ka dib, wuxuu galay loollan adag iyo iskorisnimo nololeed, oo ahayd heer ay soo wada mareen badi dadkii xilliyadaa magaalada soo galay, siiba iyagoo da'yar, haddana, aan haysan xigto ay ku degaan ama aan dooneyn in ay qof ama qolo kale culays ku noqdaan ama ku dul noolaadaan.

Tabargal iyo qaangaarid ka dib, wuxuu ku dedaalay, in uu naftiisa iskiis wax isu baro, wuxuuna dhigan jiray iskuulka dadka waaweyn (independent learning) Ilaa uu ka gaaray dugsi sare (high school), oo dhab ahaan uu ka guul keenay.

Ka gadaal wuxuu noqday shaqaale dowladeed, oo waxaa loo qaatay xisaabiyennimo uu wakaaladda ganacsiga ummadda 'INJI', ka shaqaynayey muddo ku dhow 20 gu’, heer uu agaasimaha Waaxda Ganacsiga Dibadda ka noqday. Marka laga soo tago Muqdisho, waxa uu ka soo shaqeeyey gobollada Bakool iyo Sanaag.

1980 -1985 ayuu mar kale aqoon kororsi dib ugu laabtay, oo dhab ahaan markan heer fiican ka gaaray, kadibna wuxuu ka ruqsaystay shaqaalenimadii dawladeed, oo wuxuu dhammaadkii siddeetamaadkii galay ganacsi, isaga oo agagaarka Shabeelle ka furtay xafiis, isaga oo noqday qandaraasle.

Sida uu noo sheegay, ururinta aqoon dhaqameedka bulsho ee Soomaalida wuxuu billaabay horraantii siddeetameeyadii, oo caddayn ku filan ah sida uu u dhiifoonaa, una dhugdheeraa, maxaa yeelay, baraarugga garasho ee galay, waxaa toos tilmaamo tusmooyina isaga oo ah laga dheehanayaa buugaagtiisa aan kala dhicin, ee uu faafiyey kan u horreeyey dhawr iyo toban gu’ ka dib.

1990 dawladdii markii ay dhacday, ayuu wuxuu tagay London iyo Washington, muddo kooban ka dib oo uu joogeyna, wuxuu gadaal ugu laabtay Soomaaliya.

Cabduqaadir ‘Aroma’ wuxuu ahaa qof tawaaduc badan, dadkiisa ku dhexjira, gacan furan oo deeqin badan, waxsiintana aan ku xirin aqoon ama ehelnimo. Wuxuu ahaa RUN socoto, oon reedmar lagu aqoon.

Cabdiqaadir 'Aroma' qoraalladiisii u horreeyey waxay shaacbaxeen billowgii sagaashamaadkii, oo bulshadii kala irdhowday, dadkiina kala dhantaalmeen, qof dhigaal u jeedana uuba iska yaraa. Qoraallada ugu xiisaha badnaa ee bulshadu ku baratay waxaa kow ka ahaa sheekooyinkii caanka noqday, ee uu ku faafin jiray Wargeyska Xog-ogaal, oo Muqdisho ka soo bixi jiray

Awards

[edit]

Ergography

[edit]
  • title.
  • title.

See also

[edit]
  •  
  •  

References

[edit]


[edit]
  •  
  •